Baarlamaanka Galmudug oo Baaq u diray Dowladda Mareykanka, Shir gaarna ka yeeshay Arrimaha duqeyntii Duleedkii Gaalkacyo

0

Baarlamaanka Galmudug oo Galabta Kulan aan Caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Galmudug ayaa uga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Duqeyntii Mareykanka uu ka geystay Bariga Gobolka Mudug iyo Guddi uu Magacaabay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Baarlamaanka Galabta kulanka ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa Dowladda Mareykanka ugu baaqay in ay Raaligalin ka bixiso Duqeynta ay ku dishay Ciidamada Galmudug islamarkaana ay Magdhaw ka dhiibto.

Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hor yimid Guddi uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Galmudug oo gaaraya 11 Xubnood kuwaas oo loo Xil saaray ka soo talabixinta qaabka Beelaha Galmudug ay u qeybsanayaan Xubnaha Aqalka Sare.

Baarlamaanka ayaa diiday Guddigaasi,waxaana ay sheegeen in qaabka loo soo xulay loo maray wado aan sharci aheyn.