Banaanbax Xoogan oo ka dhacay Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax Balaaran, kaas oo looga soo horjeeday weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee Arbacadii lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa isaga kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay kaga soo horjeedaan Duqeynta ay sheegeen in ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Puntland iyo Diyaarado Mareykanka uu leeyahay.

Qaar ka mid ah Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay Dowladda Mareykanka ugu baaqeen in ay raaligelin buuxda ka bixiyaan falka ay Diyaaradahooda ku Duqeeyeen Ciidanka Galmudug iyo Dad shacab ah.

Dhowaan ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Sirdoonka Maamulka Puntland iyo Diyaarado ay wateen Ciidamo Mareykan ah ay Howlgal Duqeyn ah ka fuliyeen Duleedka Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay xero Ciidan ku lahaayeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.