DAAWO:- AMISOM oo Muqdisho ka furtay shir lagu heshiisiinayo beelaha ku dagaallamaya Magaalada Marka

0

Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Maamulka Koofur Galbeed ayaa shir dib u heshiisiin ah waxaa ay ka fureen Muqdisho,kaas oo lagu dhex dhexaadinayo beelaha ku dagaallamaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha AMISOM,ayaa waxaa ay arrintani faraha la galeen kadib markii Maamulka Magaalada Marka iyo maamulka Koofur Galbeed ay eedeymo isu jeediyeen,taas oo la xiriirta in Maamulka Koofur Galbeed uusan daacad ka ahayn nabad ka dhalata Magaalada Marka.

Guddoomiyaha Magaalada Marka  Xasan Cumar ayaa sheegay in Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed ku eedeeyay in uu AMISOM kharash uga qaatay dib u heshiisiinta Beelaha islamarkaana Dad aan ahayn Dadka Markana uu ku shirinayo muqdisho.

AMISOM,waxaa ay sheegtay in ay ka go’an tahay nabadda iyo Xasilinta Magaalada Marka oo muddo dhowr Sano ah ay ku dagaallamayaan beelo halkaasi ku wada sugan.

heshiis-620x330