DAAWO MUUQAAL:- Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo Xarunta Galmudug dib ugu soo laabtay , Arimo badana ka hadlay

0

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo ka soo amababaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradha ee degmada Cadaado ayaa sheegay in Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka Galmudug uu furmayo 4-ta bishan, iysagoo ka warbixyay ajandaayaasha horyaal.

Baarlamanka Galmudug ayaa door ku leh doorashada dadban ee sanadkan ka dhacaysa dalka, isagoo dooran doona 8-xubnood oo aqalka sare u matalaya Galmudug.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUQAAALKA

https://www.youtube.com/watch?v=puIMyLlyNNI