DAAWO SAWIRADA:- Askartii ku dhaawacantay Duqeyntii Duleedka Gaalkacyo oo la keenay Muqdisho

0

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad siday Askartii ku dhawaacantay weerarkii Duqeynta ahaa ee ay Diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen Bariga Gobolka Mudug.

Askartii Galmudug ee ku dhaawacantay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee galabta la keenay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana ay sheegeen in Dhaawacyada Askartan ay yihiin kuwo aad u culus, sidaasi darteedna Muqdisho loo keenay, si loo dabiibo.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Maxamed xaashi Cabdi (Carabey) oo warbaahinta la hadlay ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay raali gelin deg deg ah ka bixiyaan falkii Duqeynta ahaa ee Diyaaradahooda ay ka fuliyeen Bariga Gobolka Mudug.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Duqeyntii ay ka fuliyeen Bariga Gobolka Mudug in ay ku dileen 9 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, inkastoo Galmudug ay sheegtay in Askar Duqeyntaasi looga laayay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5 6 7 8