DAAWO SAWIRADA:- Xirista fatahaada Buqda Bayaxow ee Magaalada Jowhar oo si rasmi ah loo dhamaystirey

0

Hay’adda Gift of the Givers oo mudooyinkaan ku howlaneed xeritaanka buqato kabaxday deegaanka bayxaaw oo kamid ah deegaanada saran wabiga shabeele ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa ku dhowaaqday is si rasmi ah loo dhamaystirey xirsta Buqda oo khasaaro badan geysatay.

Munaasabad koobneed oo lagu qabtay goobta wabiga uu kabaxay ayaa waxaa kaqeybgalay maamulka gobolka shabeelaha dhexe, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta hey’adda Gift of the Givers.

Gudoomiyaha deegaanka bayxaaw Xaamud Shiiq Axmed oo ka hadlay munaasabadan  ayaa u mahad celiyay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo hay’adda gift of the givers oo  ku guuleystay in laxero buqatada.

“Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa anigoo wakiil ka ah dadka deegaanka dhamaan masuuliyiinta maamulka gobolka sh/dhexe iyo Hey’adda gift of the givers oo iyagu isku xilsaaray sidii ay uxermi leheed buqdaan oo geysatay qasaaro naf iyo maalbe leh” ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka beyxaaw.

Wakiilka  Hey’adda gift of the givers ee bariga iyo bartamaha Afrika C/saaq Maxamed Xaashi oo kahadlay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in buqatadaan ay xeranto. “Waxaan aad ugu faraxsanahay in maAnta aan joogno halkii ay biyaha ka baxayeen maadaama aynu ognahay in maalmo kahor aan halkaan la imaan Karin midaas waa dadaal ay sameeyeen dadka deegaanka oo kaashanayo maamulkooda iyo hey’ada”

Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi kahadlay kusimaha gudoomiyaha gobolka sh/dhexe ahna gudoomiye ku xeenka gobolka dhanka siyaasada iyo amniga Axmed Meyre Makaraan oo shacabka deegaankaasi beyxaaw kula dardaarmay in ay soo sheegaan meelaha kale ee uu wabiga kajilicsan yahay si wax looga qabto kahor inta uusan jabsan.

“Waxaan kula dardaarmayaa dadka ku dhaqan dhamaan deegaanada saaran wabiga shabeele inay marka hore isku tashadaan oo ay gacmahooda wax ku qabsadaan maadaama qasaaraha ugu badan ay iyagu soo gaareyso hadii uu wabiga fatahaad sameeyo” ayuu yiri mr makaraan.

Buqda beyxaaw ayaa geysatay qasaare isugu jira naf iyo maalba waxaana ku dhintay labo ruux oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka Bayaxow todobaadkii hore iyagoo ku guda jirey howlaha xirista buqda.

Xigasho jowhar.com

Hoos ka Daawo Sawirada:-

xirista-bay-1 xirista-bay-2 xirista-bay-3 xirista-bay-4