DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo Magaalada Marko ku dilay Gudoomiye ku Xigeen, Kuna dhaawacay Masuuliyiin kale

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay xalay ururka Al-Shabaab ay degmadaasi ay ku dileen Ma’suul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay dileen gudoomiye ku xigeenka qorshaynta iyo dib u dhiska degmada Marka Xuseen Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha ku xigeenka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda ugu caansan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana xilkaasi u magacaabay maamulka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ku xigeenka arimaha bulshada ayaa ka hadlay dilka xalay loo geystay gudoomiye ku xigeenka qorsheynta iyo sidoo kale dib u dhiska degmada Marka.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsan ,waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku badbadala Maleeshiyo hubeysan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-