DHAGEYSO:- Al-Shabaab oo soo saaray digniino Cusub oo la Xiriira Dastuurka Soomaaliya, Shaaciyayna in Gaalo ay soo saareen Dastuurka

0

Ururka Al Shabaab, ayaa markale si adag u naqdiyay Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, iyagoona shacabka kaga digay inay ku dhaqmaan Dastuurkaasi.

Sheekh C/raxmaan Firin oo ka mid ah Saraakiisha Dacwadda ee Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay in gaaleysiin uu xambaarsan yahay Dastuurka Wadanka loo sameeyay.

Sidoo kale waxaa uu gaalo ku tilmaamay dadkii hindisay, kuwii qoray, kuwo loo soo dejiyay, kuwii ansaxiyay iyo inta Dastuurka waardiyeyneysaba.

Sheekh C/raxmaan Firin oo la hadlay Radio Alfurqaan, ayaa dadka Somaliyeed kaga digay ku dhaqanka Dastuurka, haddii kalana uu gaalnimo u horseedi doono.

Waxaa uu sheegay inaysan bannaanayn in lagu dhaqmo waxaan ahayn Kitaabka Alle ee Qur’aanka Kariimka, oo uu ku sheegay Dastuurka saxda ah ee Umadda Muslimiinta loogu talla-galay inay ku dhaqanto.

Firin, ayaa intaa ku daray in Muslimiinta uu ku waajib yahay inay la dagaalaman Dastuurka Wadanka loo qoray, maadaama uu liddi ku yahay sida uu sheegay Shareecada Islaamka.

Hoos ka Dhageyso Codka Sheekh C/raxmaan:-