DHAGEYSO:- Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo dadkii ugu badnaa oo ka qeyb galay

0

Banaanbax xoogan oo ay soo abaabuleen qeybaha kala duwan ee bulshada ee kunool magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalakcyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kumanaan qof oo ka caraysan xukunka la sheegay in dowladda Hindiya ay ku ridayso dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha ugu weyn magaalada Gaalkacyo.

banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa ku qaylinayay erayo ka dhan ah dowladda Hindiya , waxaana ay dowladda Hindiya ugu baaqeen in ay joojiso xukunkaasi.

Maxkamad ku taalla magaalada Mombai  dalka India ayaa sheegtay in  119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo 50 ka mid ah ay wajahaayaan xukun  dil .

Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qirtay in ay ka galeen falalka lagu soo eedeeyay sanadkii hore, waxaana xilligaasi maxkamadu ay sheegtay in ay dib u eegi doono qaar ka mid ah eedeysanayaasha oo aan qaan gaarin.

Horay maxkamad ku taalla dalka India ayaa lasoo taagay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay burcad badeednimo , laakiin lagama gaarin go’aan rasmi oo lagu shaaciyay xukunka lagu riday.

Madax ka tirsan Saxaafada Soomaaliya ee dalka India aya xaqiijiyey inaanu jirin xukun illaa haatan dhacay, hase ahaatee la filayo in dacwaddan laga go’aan gaaro bishan 30-keeda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-