DHAGEYSO:- Banaanbax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Jowhar

0

Banaan bax xoogan oo looga soo horjeedo iska hor imaad xalay ciidanka dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Jowhar ayaa saakay lagu qabtay magaaladaasi.

Dad weyn ka caraysan iska horimaadkii xalay ciidanka dowladda Soomaaliya ku dhexmaray magaalada Jowhar ayaa saakay isgu soo baxay bartamaha magaalada Jowhar.

Ciidamka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar , waxaana ay dadka ugu baaqayeen in ay iska dajiyaan.

Dadka Banaanbaxa dhigay ayaa ku dhawaaqaayay erayo ka dhan ah ciidamada Booliska ee Muqdisho laga kaxeeyay, kuwaasi oo Jowhar u jooga suggida ammaanka Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Iska hor imaad geystay khasaare kala duwan ayaa xalay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa uu ku dhexmaray magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyay 2 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay iska hor imaadka xalay ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo isgu jira askar iyo shacab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-