DHAGEYSO:- Burcad badeed Xukun dil ku Sugaya Dalka Hindiya

0

Maxkamad ku taalla magaalada Mombai  dalka India ayaa sheegtay in  119 ruux oo loo soo qabtay falal la xiriira burcad badeednimo 50 ka mid ah ay wajahaayaan xukun  dil .

Dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa qirtay in ay ka galeen falalka lagu soo eedeeyay sanadkii hore, waxaana xilligaasi maxkamadu ay sheegtay in ay dib u eegi doono qaar ka mid ah eedeysanayaasha oo aan qaan gaarin.

Horay maxkamad ku taalla dalka India ayaa lasoo taagay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay burcad badeednimo , laakiin lagama gaarin go’aan rasmi oo lagu shaaciyay xukunka lagu riday.

Ma’suuliyiin ka tirsan saxaafada Soomaaliya ee dalka India ayaa la sheegaya in horay loogu wargaliyay xukunkaan ayna booqdeen xabsiyada ay ku xiran yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka kale xaalada nolol xumo ayaa lagu soo waramaya inay haystaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka India.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ayaa la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho , ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Dhalinyarada ayaa safaarada Soomaaliya ee dalka Hindiya ku eedeeyay ina ay ka shaqeysay in lagu xukumo xukun dil ah sidaas darteedna ay haystaan hada dhibaatooyin kala duwan.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqeen in ay soo faragaliyaan xukunka madaam aysan galin qaarkood danbiyada lagu soo oogay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-