DHAGEYSO:- Cali Khaliif Galeyr “ Waxaan Heshiis Millatari la galaynaa Galmudug si aan ula dagaalamo Ciidanka Puntland”.

0

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu heshiis Millatari la galayo Maamulka Galmudug si uu ula dagaalamo Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in Maamulka Puntland hadii ay faraha kala bixi waayaan arrimaha la Xiriira Maamulkiisa inuu dagaal toos ah la galayo.

Waxa uu tilmaamay in uu ku dadaalayo sidii uu ula dagaalami lahaa Ciidanka Puntland eek u sugan deegaanada Maamulkiisa ay ka taliyaan.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa ku Hanjabay in sidii uu Somaliland ula dagaalamay oo kale inuu ula dagaalami doono Maamulka Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-