DHAGEYSO:- Ciidanka Koofur Galbeed Soomaaliya ee ku Jira Furinta dagaalka oo Mushaar la’aan ka Cabanaya

0

Gashaale Cabdullaahi sheekh Maxamed Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Koofur Galbeed ee ku jira Afaafka hore ee goobaha Dagaalka.

Waxa uu sheegay in bilihii dambe aysan wax mushaar ah qaadan isla markaana ay u baahan yihiin xaqii ay lahaayeen sida uu Taliyaha sheegay.

Taliyaha ayaa Ciidanka iyo Saraakiisha ugu baaqay in aysan ka soo bixin goobaha dagaalka isla markaana uu Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya kala hadli doono sidii loo siin lahaa Mushaarkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-