DHAGEYSO:- Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay isku dhac Ciidanka Dowladda ku dhexmaray Magaalada Jowhar

0

Hal Askari ayaa ku dhintay 4 Qof oo shacab ahna dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii xalay ay isku dhaceen ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ee magaalada Jowhar oo daba joogay koox la sheegay in ay Maandooriyaha ka ganacsanayeen ayaa waxaa isku dhaceen labo Askari oo uu midi Boolis ahaa kaas oo ugu dambeyn dhintay.

Ciidamada ayaa isku rasaaseeyay Xaafadda Kulmis ee Magaalada Jowhar,waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo shacab ah midina dumar ahayd.

Askariga Booliska ah ee Dhintay ayaa waxaa uu ka mid ahaa ilaalada Guddoomiyaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe,C/qaadir Cabdulle Maxamed (Buur Fuule).

Magaalada ayaa waxaa ka socda dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe,waxaana la filayaa ka hor doorashooyinka Federaalka  in la soo gabagabeeyo Dhismaha maamulka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-