DHAGEYSO:- Dib u dhac ku Yimid dhismaha aqalka sare ee baarlamaka Dowlada Soo socota iyo Guddiga doorashada oo War ka soo saaraya

0

Maanta oo ah 25-ka Bisha September waxaa Qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya ee ka Kooban 54 Xubnood sida ay ku heshiiyeen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran Guddiga Doorashooyinka Dadbana ay shaaciyeen.

Hayeeshee Qorshahaas dib u dhac ayaa ku yimid sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorshooyinka dadban ee Soomaaliya.

Guddiga Masheegin Dib u dhaca ku yimid Dhismaha Xubnaha Aqalka sare inta uu le eg yahay,iyadoo lagu wado Guddiga Doorashooyinka dadban in ay shaaciyaan Dib u dhaca Xubnaha Aqalka sare iyo inta ay qaadaneyso.

Dib u dhaca ayaa lagu sheegay in ay Sabab u tahay Dhanka Dhaqaalaha oo aan la heyn iyo Xubnihii Aqalka sare ka soo gali lahaa Maamulka loo dhisao Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo aan la soo gudbin.

Ma jirto Cid weli sheegi karta in Dib u dhac ay arrintaan u keeni karto Jadwalka Doorashada ee horay ay iskugu raaceen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Hoos ka Dhageyso Codka:-