DHAGEYSO:- Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay dishay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka waxaa diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ay weerar khasaare geystay  ku qaadeen Tuulada Kanjaron ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dishay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo ku dhintay weerar iska caabin oo ka dhacay Tuulada Kanjaron.

Duqeynta oo  ay diyaaradaha dagaal ay ka fuliyeen Tuulada Banaankeeda ayaa lagu sheegay in lagu dilay Saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab.

Bayaanka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in  dad la dilay uu ku jiro ku gudoomiye ku xigeenkii hore ee xarakada Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose Bashiir Dheere.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta lagu dilay raggaasi ka tirsan Al-Shabaab ay kala kulmeen iska caabin xoogan islamarkaana uu dhex maray dagaal socday daqiiqo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayay duqeynmo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka dowladdaha Kenya iyo sidoo kale  Mareykanka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay warka kasoo baxay dowladda Mareynkanka ee ah in ay dishay saraakiil ka tirsan Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-