DHAGEYSO:- Faah Faahino ka soo baxaya Shil gaari oo Khasaaro geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Shil gaari oo Dhimasho iyo dhaawac geeystay ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shilka  ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wada kaleexday dibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay u gurmadeen dadkii ay dhibaato soo gaartay , islamarkaana loosoo cararay isbitaalada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wadihii waday gaariga dadka laayay , islamarkaana ay sharciga horkeeni doonaan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha:-