DHAGEYSO: Faahfaahin Nabadoon xalay lagu dilay Beledweyne

0

Iyadoo xalay lagu dilay magaalada Beledweyne Nabadoon ka mid ahaa waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay maamulka degmada Beledweyne.

Gudoomiyaha degmada Beledweyne Maxamed Cabdi Cusmaan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay Nabadoonka .

Waxa uu ku eedeeyay dilka Nabadoonka in ay ka dambeeyeen ururka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan howgallo xoogan oo lagu baadigoobaayo dadka dilka u geystay nabadoonka ayna sii wadi doonaan howgalka tan iyo inta ay gacanta ku dhigaayaan kooxaha dilalka u geysta waxgaradka gobolka Hiiraan.

Kooxo hubeysan ayaa xalay nabadoon caan ah waxa ay ku dileen magaalada Beledweyne.

Nabadoon oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim Aadan , ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baledweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO