DHAGEYSO:- Faahfaahino ka soo baxaya Bombo Gacmeed lagu Weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda ee ku Sugnaa Baledweyne

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cabdi  ayaa sheegay in dad badan loo soo qabtay bombo gacmeed xalay lagu weeraray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen tuhmanayaal lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Bombo Gacmeed xalay lagu weeraray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howgallada ay ka wadaan magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amaanka dadka kunool magaaladaasi.

Kudhawaad 7 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa ka dhacay Baledweyne  sida ay Risaala u sheegeen madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa u badan dumar , waxaana la sheegaya in ay caano ku gadaayeen goobta lagu weeraray bombooyinka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-