DHAGEYSO:- Feysal Cali Waraabe " Beesha Caalamka shaqo maku lahan doorashooyinka ka dhacaya Somaliland"..

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan fara gelin Karin doorashada Somaliland.

Waxa u sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka aysan shaqo ku lahayn doorashada Somaliland isla markaana aysan aqbali doonin in ay faraha la soo gasho.

Waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan sidii deegaanada Somaliland ay ugu dhici lahaayeen doorashooyin lagu Wada qanacsan yahay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsanaa Heshiiska ay Somaliland la gashay Hay’ada ka howl galeysa Dekeda Berbera.

Deegaanada Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacaan doorashooyin, waxaana soconaya qancinta Siyaasiyiinta Somaliland qaarkood ee diidan in lagala qaado doorashada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-