DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada “Al-Shabaabkii aan xirno Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa soo daaya”..

0

Guddoomiyaha Degmada War-dhiigley ee Magaalada Muqdisho,Yaasiin Nuur Ciise,ayaa sheegay in maamulka degmadaasi ay dhibaato ku hayaan Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ah kuwaas oo uu sheegay in ay fara gelin ku hayaan sugidda amniga degmada.

Yaasiin,waxaa uu sheegay in Wasiirro Xildhibaanno iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha kala gedisan ee Dowladda ay ku lug leeyihiin siideynta xubnaha ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee ay ku qab qabtaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka dhaca degmadaasi.

Waxaa uu sheegay in xubnaha ku jira Dowladda Federaalka ay si toos ah ugu lug leeyihiin arrintaasi islamarkaana ay lacago ku qaataan siideyntooda.

Odayaasha iyo Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka ayuu ku eedeeyay in iyana ay ku lug leeyihiin sii deynta Dadka ka tirsan Al-shabaab ee ay soo qabtaan.

Waxaa uu sheegay in Dadkii ay qabteen ee ay Xabsiyada ka sii daayeen mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay mar kale magaalada dhibaato ka geysanayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-