DHAGEYSO:- Hilibleeyda Burco oo sheegay iney sameynayaan Shaqo Joojin ka dib markiii ay arkeen hal Arrin

0

Dadka ka shaqeeya Kaamamka hilibka ee ku yaalla Magaalada Burco ayaa ka soo horjeestay in Mashruuca hilib qalista lagu Wareejiyo Hay’ad Turki ah.

Qaarka mid ah Dadka ka shaqeeya Kaamamka hilibka ee ku yaalla Magaalada Burco ayaa warbaahinta u sheegay in ay sameynayaan shaqo joojin.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shaqadooda isla markaana lagu wareejiyo Hay’ad Turki ah.

Waxa ay masuuliyiinta Maamulka Somaliland ugu baaqeen in ay ka hortagaan qorshahaasi oo la joojyo sida ay sheegeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-