DHAGEYSO:- Kulan Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

0

Kulankan looga hadlayay Amaanka Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Maamulka Degmada, Gudoomiyeyal, Ururka Haweenka, Waxgarad iyo Xubno kale.

Qaar ka mid ah Bulshada ka soo qeyb gashay kulanka ayaa waxa ay sheegeen in Maamulka Koonfur Galbeed ay kala shaqeyn doonaan Amniga Deegaanada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay Nabada iyo Xasiloonida in laga wada shaqeeyo.

Kulankan Amniga looga hadlayay ee ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli Magaalada Baydhabo ay ku sii qul qulayaan Ergooyinka ka qeyb galaya Doorashooyinka ka dhacaya Deegaanada Koonfur Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-