DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo ka hadlay amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee Jubbaland ka tirsan

0

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay doorashooyinka baarlamaanka ee lagu wado in ay ka dhacaan deegaanka maamulka Jubbaland maalmaha fooda nagu soo haya.

Afhayeenka laamaha amniga maamulka Jubbaland Axmed Maxamuud Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo guddiga doorashooyinka dadban ee deegaanka maamulka Jubbaland.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in guddiga doorashooyinka loo madax baneeyo shaqadooda, islamarkaana aan lagu sameyn faragalin.

Odayaasha dhaqanka ayuu ugu baaqay in ay u shaqeeyaan si cadaalad ah , islamarkaana ay soo xulaan xildhibaano samatabixinka bulshada Soomaaliyeed.

Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemaya qaar ka mid ah caasimadaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-