DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay diyaariyeen Qaab cusub oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab

0

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq (Caracase) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo dheeraad ah oo la dagaalama Shabaab.

Maxamed Isaaq (Caracase) Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Maamulka Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ay diyaar u yihiin in ay la dagaalamaan Shabaab, sidoo kalena ay ka saaraan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu shacabka Konfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka, si looga hortago Amaan darada mararka qaar ka dhacda Degaanada Koonfur Galbeed.

HALKAAN KA DHAGEYSO