DHAGEYSO:- Madaxweynaha Galmudug oo si deg deg ah ugu laabtay magaa;lada Cadaado, kana hadlay duqeyntii ka dhacday Duleedka Gaalkacyo

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo si deg deg ah ah ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay duqeyntii Saakay ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la Xasuuqo shacabka Galmudug, waxa uu sidoo kale si kulul ugu hadlay khasaarihii gaaray Ciidankii ku sugnaa Xeradii Ciidan ee la Saakay la Duqeeyay.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii ay ula Xisaabtami lahaa dadkii ka dambeeyay duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ka baxday heshiiskii la wada gaaray isla markaana ay kula Xisaabtamaya dhibkii ay geysatay.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cabdikariin:-