DHAGEYSO:- Maxaa ka jira in la shirqoolay kontonka qof Soomaalida ee India dilka ku xukuntay?..

0

Laba ka mid ah 118 qof oo Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaala Magaalada Mumbai, ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xukun ay sheegeen inay ku riday Maxkamadda Mumbai.

Ciidamada Badda India, ayaa afar hawlgal ku soo qab qabtay 120 nin oo lala xiriirinayo kooxaha burcad badeeda Somalida, intii u dhaxeysay 2011-2012. Laba ka mid ah waxay ku dhinteen xabsiga.

Xasan Kaafi Cabdi Jimcaale iyo Maxamed Saciid Yuusuf oo ka mid ah ragga burcad badeeda ay u haysato India, ayaa waxay sheegeen inay Wargeysyada ku arkayn oo keliya, in Maxkamaddu ay dil ku xukuntay 50 ka mid ah 118-ka qof ee ku xiran xabsiga ku yaala Mumbai.

Waxay beeniyeen inay ku kacayn dembiyo ay ku muteysan karayaan dil, marka laga soo taggo inay sameeyen isku dayo ka dhan ah inay qafaashaan maraakiibta shisheeye.

Maxamed Saciid iyo Xasan Kaafi, ayaa Idaacadda Mustaqbal u sheegay in Safaaradda Somalidu ku leedahay India, ay u soo bandhigtay inay dembiyadooda qirtaan, iyadoo markaasi u sheegtay in dib loogu soo celin doono dalka.

Xubnaha ka hawlgala Safaaradda, ayaa waxay ku eedeeyeen in ay iyagu ka masuul yihiin ciqaabta adag, ee India ku riday Somalida ku xiran Magaalada Mumbai.

Waxaa ay Dowladda Somaliya iyo shacabka Somaliyeedba ka codsadeen in loo istaago, sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi.

Maxamed Saciid, ayaa carabka ku dhuftay in hadda kiiskoodu uu yahay mid wax laga qaban karo, haddii dadaal ay la yimaadan dowladda iyo dadka Somaliyeedba.

Maxamed, ayaa ku baaqay in tallaabo laga qaado diblomaasiyiinta Somalida ee ka hawlgala dalkaasi, kuwaa oo si adag uu ugu eedeeyay in ay jaqayan dhiigga Somalida ku dhibaateysan xabsiga.

Hoos ka Dhageyso Codka oo Muuqaal la dul saaray:-