DHAGEYSO:- Nabadoon Xaad “ Dowladdu Wey ku qaldan tahay in ay qoondo ka siiso Haweenka Soomaaliyeed Dowladda Cusub”..

0

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Nabadoonada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in la ilaawo Xaqa ama doorka Odayaasha dhaqanka ee Dowladda Cusub.

Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale sheegay in aysan wanaagsaneyn in Dowladda ay Cadeyso oo keliya doorka Haweenka balse aan la cadeyn doorka Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan sidii loo soo celin lahaa doorka Odayaasha dhaqanka oo uu sheegay in Dowladda ay ilawday.

Waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ay yihiin laf dhabar aan marnaba laga maarmeyn talooyinkooda balse Dowladda ay xaqirtay doorkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-