DHAGEYSO:- Maamulka Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo Khasaaraha ka dhashay

0

Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal ay  ku qaadeen deegaanka Jeexdin oo ay isku aruursanaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo doonaayay in ay weerar ku qaadaan deegaanka maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Isku dubaha Wasaarada Warfaafinta gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdinaasir Badel Khaliif oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo.

Cabdinaasir Badel Khaliif ayaa sheegay in howgalka ay fuliyeen ciidanka Difaaca maamulka Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka la duqeeyay aysan aheyn Al-Shabaab ,laakiin ay yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamado ka tirsan maamulka Galmudug oo saldhig ku lahaa goobta la duqeyay.

Waxa xusid mudan in deegaanada Jeexdin iyo Godod ay inta badan ku dagaalamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Al-Shabaab  gacanta kuma hayaan deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale guud ahaanba deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Mudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-