DHAGEYSO:- Salaad Cali Jeelle “ Xasan Sheekh inuu Madaxtooyada baneeyo Wuu diiday, Kacdoon ayuuna abaabulaya Marka Waa in Xoog Madaxtooyada looga saaraa”..

0

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uusan diyaar u ahayn in uu talada dalka dhigo.

Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle , in Madaxweynuhu waqtigii loo igmaday in dalka uu hoggaamiyo ka dhamaaday sidaas daraadeed loo baahnaa In xilka uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mar uu siyaasigu ka hadlayay Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo looga digayo Shacabka Soomaaliyeed kacdoon ka dhan ah dowladda ayuu sheegay in Xasan Sheekh isagu uu dalka fowdo u horseedaayo.

Waxaana uu ku fasiray hadalka digniinta ku aadan in  dalka Kacdoon qas u horseeda uu ka dhaco ayuu ku sheegay mid uu Madaxweynuhu isagu ku iclaaminayo Kacdoon uu xukunka ku sii heysto sida uu hadalka u dhigay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-