DHAGEYSO:- Soomaali codsatay in Damaanad lagu sii daayo iyo Dowladda Uganda oo weli diidan

0

7 qof oo Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa codsatay in lagu siidaayo damaanad ka dib markii ay muddo ay ku xirnaayeen xabsiga , iyaga oo aan helin cadaalad ku filan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku andacoonaaya in ay muddo dheer ku xirnaayeen xabsiga , in badana ay kasoo hormuuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Kampala walina aysan qirsaneyn in ay yihiin  Al-Shabaab.

Dadkaan ayaa la qabtay sanadkii 2014 tii ka dib markii ciidamada Booliska ay ku eedeeyeen in ay Al-Shabaab taakuleyn jireen ayna abaabuli jireen dadka doonaya in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Todobadaan qof ee Soomaalida ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay taageero weyn ay u fidiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa horay ugu riday dadkaan xukuno kala duwan oo ku aadan falalka lagu eedeeyay ,waxaana ay hada dalbanayaan in lagu siidaayo damaanad.

29 Bishaan ayaa lagu wado in maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ay eegto codsiyada dadka Soomaaliyeed ee ku aadan in lagu siidaayo damaanad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-