DHAGEYSO WAREYSI:- Maxaa lagu qanciyay Ciidamada Sirdoonka Puntland ee Mushaar la'aanta ka cabanayay ?

0

Ciidamadii Puntland ee xoogga kula wareegay Bankiga Dhexe Garoowe, ayaa waxaa lagu qanciyay in ay isaga baxaan Bankiga, ka dib muddo saacado ah oo ay haysteen.

Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency), ayaa gelinkii dambe ee Axadii la wareegay Dhismaha Bankiga Dhexe, sababo ku aadan iyagoo ka gadoodsan mushaaraad la’aan muddo toddobo bilood ah.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa eryay shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd Baanka Dhexe Garoowe, inkastoo aanay Ciidamadu gudaha u gelin Baankaasi.

Saraakiil boolis iyo militari isugu jira, ayaa xalay gaaray Bankiga, waxayna Ciidamada PIA-da ku qanciyen in ay halkaasi isaga baxaan, xal u helidda cabashadooduna loo mari doono wado kale.

Saqdii dhexe ee xalay, ayaa waxaa la arkaayay Ciidamada Sirdoonka Puntland oo ka baxaya qaybihii ay kaga sugnaayen Bankiga Dhexe. Bankigan waa mid uu maamulo Maamulka Puntland.

Shacabka reer Garoowe, ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka soo gala Bankiga Dhexe, iyagoo daawanaayay Ciidamadii xoogga ku gala wareegay Dhismaha Bankiga.

Dadka reer Puntland, ayaa waxay la yaaban yihiin sababta soo celcelisay gadoodka Ciidamada, maadaama Maamulku uu si joogto uu canshuuruhu kaga qaado shacabka.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSI