DHAGEYSO WAREYSI:- Maxay tahay Sababta ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay u diideen Saaka Ganacsiga Suuqa bakaaraha ?

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka soo gala Suuq weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gawaarida lagu yaqaano ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu jaray isgoysyada soo gala Suuqa Bakaaraha waxaana dadka loo diiday in ay galaan dukaamadooda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dadka iyo Gaadiidka intabada ka celinaya Suuqa waxaana ay dadka u sheegayaan in aan la ogoleyn in lasoo galo Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal Qof oo saakay u soo jarmaaday in ay furtaan goobahooda ganacsi ayaa dhoobay hareeraha laga soo galo Suuqa sida ay idaacadda Risaala u sheegeen Qaar kamid ah Ganacsada Suuqa weyn ee bakaaraha.

Xirnaanshaha Wadooyinka Suuq weyn ee bakaaraha ayaa sidoo kale waxaa barbar socda howgal ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah Ganacsatada Suuq weyn ee Bakaaraha ayaa ka hadlaya meelaha xiran iyo sidoo kale howgallada ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA