DHAGEYSO WAREYSI:- Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Shil gaari oo Dhimasho iyo dhaawac geeystay ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shilka  ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wada kaleexday dibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa Laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay u gurmadeen dadkii ay dhibaato soo gaartay , islamarkaana loosoo cararay isbitaalada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:-