DHAGEYSO WAREYSI:- Waa sidee Xaalada amaan mid ka mid ah Degmooyin Muqdisho ugu dadka Badan ?

0

Degmada Yaaqshiid waa degmo katirsan gobolk Banaadir waxay ku taalaa wuqooyi bari ee magaalada Muqdisho,degmada ayaa ka mid ah degmooyinka dhul ahaan aad u balaaran oo ku fadhiya dhul cabirkiisu sareeyo.

Xaafadaha, Laamaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay degmada waxaa ay kala yihiin Towfiiq, horseed iyo heegaan,Jungaal,tookyadda yaaqshiid,Ceymiska,mahad alle,Ceel Tuba-weyne,Fagax,sii sii,Suuq bacaad,xafada buula geesale,Geed qalooc,Afrta Darjiino,jira garoob,Baar ayaan,siliga towfiiq,Waqda (Gubta).

Degmada waxaa ay tahay Degmada ugu weyn Gobolka Banaadir,waxaana ay ka kooban tahay Lix waax,isbeddelka dhanka Horumarka ah ee ka jira Gobolka Banaadir ayey qeyb ka tahay sida uu sheegayo guddoomiyaha,waxaana socda dhismayaasha waddooyinka mara degmada sida Waddada Soddonka.

Xuseen Maxamed Cadaawe,waa Guddoomiyaha degmadaas,waxaa uu Idaacadda Mustaqbal uga warramayaa wax u qabsoomay intii uu xilkan hayay.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA