DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Ex Wasiir Soocadde oo Wareysi kulul lala yeeshay looga soo saaray Sababta dhabta ah ee ku kaliftay inuu is casilo

0

Maxamuud Xasan Soocade oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta Uqaabilsanaa Maamulka Puntland ayaa sida aad la socotaan Akhristayaal waxa uu saacado kahor shaaciyey inuu is casilay.

Warqadaii Iscasilaadiisa ayuu ugeeyey Cabdiweli Gaas oo Ah Hogaamiyaha Maamul Gobolleedka Puntland.

Soocade oo wareysi siiyey mid ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey sababta keentay inuu is casilo.

Marka hore waa uu ka meer meeray inuu cadeeyo Asbaabta shaqada iskaga tagey balse qeybta dambe Ee Wareysiga ayuu runta ku sheegay.

Ex Wasiir Soocade oo Saxaafada Puntland laf dhuun gashay ku ahaa ayaa waxa uu tibaaxay in Prof.Galleyr oo ay deegaan ahaan iyo isku Qabiil kasoo jeedaan oo ay hadli weysey PL beeshiisana cadaadis ay saartay xilka uga dagey.

HALKAAN KA DHAGEYSO