DHAGEYSO:- Wasiir ka tirsan Maamulka Koofur galbeed oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dilalkii ka dhacay Magaalada Marko

0

Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin ayaa eedeyn u jeediyay Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xasan Cumar Macalin Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Wasiirkaasi ku eedeeyay in Magaalada Muqdisho uu ka wado shir dib u heshiisiin ah, kaas oo lagu heshiisiinayo Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Marko.

Wuxuu eedeyntaasi u jeediyay Wasiirka Dastuurka Maamulka Konfur Galbeed, kaas oo uu ku eedeeyay in uu Odayaal macmal ah uu shir dib u heshiisiin ah ugu qabtay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo colaada ku soo laa laabata Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-