DHAGEYSO:- Wasiirka Arrimaha gudaha oo soo saaray go’aano culus, baaqna u diray beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Somaliland

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa digniino u diray dad la sheegay in ay ka dambeeyeen dagaalo ka dhacay deegano ka tirsan Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale beelaha dagaalamay ugu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada ka dhaxeysa isla markaana Odayaasha dhaqanka loogu baahan yahay in ay kaalintooda ay gutaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in si nabad iyo amni ah lagu wada noolaado.

Hoos ka Dhageyso Codka:-