DHAGEYSO:- Waxgarad baaq u diray dowladda Soomaaliya iyo go’aano la soo saaray

0

Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sii laba jibaarto dacwada badda ee kala dhaxeysa dalka Kenya.

Waxgaradka ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin in dowladda Kenya ay sheegato qeybo ka mid ah badda Soomaaliya.

Maxkamadda Cadaalada Caalamiga ah ee ICJ ee ku taalla Magaalada Hague ee Dalka Holland ayaa Dhageysatay shalay markii Labaad Soomaaliya, Muranka Dacwadda ee kala dhaxeeya Kenya.

Qareenada u doodayay Soomaaliya oo shalay si toos ah looga daawanayay warbaahinta Magaalada Hague ayaa la sheegay in ay si wanaagsan u hadleen, sidoo kalena ay ka jawaabeen eedeynta Dowladda Kenya ee ku aadan in Dacawadan aysan qaadi karin Maxkamadda ICJ.

Sidoo kale waxa ay meesha ka saareen heshiiskii is afgaradka ahaa ee horey loo gaaray in uu yahay heshiis sharci ah ama heshiis kala xadeynaya Baddaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn sheegay in ay sugayaan Go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda ICJ, oo ay ku go’aan natiijda ka soo baxda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-