DHAGEYSO XASAASI:- Cabdikariin Guuleed oo ka carooday Puntland iyo Balan uu sheegay inay kaga baxeen

0

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay gelinkii dambe si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in la xasuuqo shacabka Galmudug, waxa uu sidoo kale si kulul ugu hadlay khasaarihii gaaray Ciidankii ku sugnaa Xeradii Ciidan ee la Duqeeyay.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii ay ula Xisaabtami lahaayeen dadkii ka dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay in ay ka baxeen Heshiiskii Labada dhinac ay ku kala saxiixdeen Magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka.

HALKAAN KA DHAGEYSO