DHAGEYSO:- Xiisad ka taagan Magaalada Caabudwaaq

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay nin xalay lagu dilay degmadaasi ay saaka ka taagan xaafado ka mid ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Nin hubeysan ayaa xalay degmada ku dilay ninkale , waxaana la sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo aanooyin qabiil sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah dadka kunool degmada Caabduwaaq.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa wada waan waan lagu doonaayo in xaalada lagu dajiyo , waxaana la sheegaya inta badan isku socodkii xaafadaha qaarkood ay yaraadeen.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa horay u sheegay in ay ka hortagi doonaan in  degmada Caabudwaaq ay ka dhacaan dilal ku salaysan  Aanooyin qabiil.

Dhawaan ayay aheyd markii lagu dilay degmada Caabudwaaq labo nabadoon ah caan ah midkalena lagu dhaawacay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-