DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa “ Waa in dib u eegis lagu sameeyaa dambiyada loo heysta Dhalinyarada ku Xeran Xabsiyada Dalka India, Dowlada Soomaaliya wey ka gaabisay ka warqabka dadkeeda”..

0

Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Arrimaha dibada ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya loogu baahan yahay in ay hubiso dambiyada lagu heysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalka Indiya Maxkamad ku Wajahaya.

Xildhibaan Dalxa ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda loogu baahan yahay in ay kaalinteeda ka qaadato dhalinyaradaasi ku Xeran Xabsi ku yaalla Dalka Indiya.

Waxa uu xusay in Masuuliyiinta Dowladda Indiya lagala hadlo sidii dhalinyaradaasi dambiyadooda dib u eegis loogu sameyn lahaa si ay u Wajahaan Cadaalad dhab ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-