Dowladda Hindiya oo war ka soo saartay Maxkamadeynta Dhalinyaro Soomaali ah

0

Waxaa dib loo dhigay Maxkamadeynta Dhalinyaro Soomaali ah oo maanta lagu waday in la soo taago Maxkamad ku taalla Magaalada Labaad ee ugu weyn Dalka Hindiya ee Mumbai, kuwaas oo loo heysto falal la xiriira Burcad Badeednimo.

Dhalinyarada Soomaalida ah ee loo heysto falka la xiriira Burcad Badeednimada ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa 117, waxaana Dowladda Hindiya ay sheegtay in mudo Labo Todobaad ah ay dib u dhigtay Maxkamadeyntooda.

Warbaahinta Hindiya ayaa horey u sheegtay in Ciidanka Ilaalada Badda Hindiya ay Dhalinyaradan ka qabteen xeebaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2011 illaa 2012-kii, waxaana Garsooraha Maxkamadda uu sheegay in badankood ay qirteen dambiga loo haysto ee ah in ay Burcad Badeed yihiin.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday warkan iyadoo mudaharaadyo xoogan oo lagu diidan yahay falkan ay ka dhaceen qaar kamid ah Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, waxaana falkan si kulul cambaareeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya.