DHAGEYSO:- Dowladda Kenya oo bilaabaysa howlgal cusub oo ka dhan Al-Shabaab iyo qorsheyaal loo diyaariyay howlgalkaasi

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay bilaabayso howgal cusub oo ay kula dagaalamayso Al-Shabaab ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay bilaabeen howlgal ka dhan Al-Shabaab oo laga sameyn doono xuduudka u dhaxeeya labada dal.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalada Garissa deegaanada Hoos yimaada oo ay dhawaan weerar ku qaadeen khasaare kala duwan geystay.

Waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale isbadel weyn lagu sameyn doono taliyeyaasha ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa weerar Khasaare geystay dhawaan  waxa ay ku qaadeen Saldhig ciidan oo ku yaalla duleedka Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay Deegaanka Hamey lagu magacaabo oo ka tirsan Degmada Garissa, kadib markii dagaalyahano Shabaab ka tirsan ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhiga.

Xoogaga Shabaab ayaa dhowr mar weeraro qorsheysan ku qaaday Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan Xukuumadda Nairobi.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ay laba jibaari doono weerar ay ku qaadayso Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-