Dowladda Ruushka oo sheegtay in Mareykanka uu taageerayo Koox Jihaad doon ah

0

Ruushka ayaa sheegay inuu u aaminsan yahay in Maraykanku uu si xeeladaysan u taageero koox ka mid ah mintidiinta Suuriya oo horay xiriir ula lahayd Al-Qaacida.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in Maraykanku uu ku guul dareystay inuu kala sooco kooxaha hubeysan ee dhex-dhexaadka ah ee uu isbaheysiga la leehay iyo kooxdan horay loo oran jiray Al Nusra ee xiriika la lahayd Al- Qaacidda.

Mr Lavrov wuxuu sheegay in arrintasi ay is hortaagtay rajadii laga qabay xabbad-joojinta.

Wasiirka arrimaha dibedda wuxuu intaasi ku daray inuu tuhunsan yahay in sababta uu Maraykanku u bari yeelayo Nusra ay tahay inuu rajo ka qabo in mustaqbalka uu si uun u istcimaalo kooxdaasi.

Wasiirka ayaa dhinaca kale difaacay duqeynta uu Ruushku sida joogtada ah ugu hayo magaalada Xalab. Wuxuu sheegay in Moscow ay dowladda Suuriya ka caawineyso la dagaalanka argagixisada.

Qaramada Midoobaya ayaa sheegtay in 400 oo qof oo ay caruuri ku jirto lagu dilay magaaldaasi isbuucii la soo dhaafay oo kali ah.