Dukumintiga been abuurka ee Cabdalla Shideeye Bakaaro oo la mamnuucay

0

Guddoomuye Ku xigeenka dhinaca Siyaasadda iyo Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo mamnuucay jiritaanka suuqa lagu sameeyo dukumintiyada been abuurka ah ee loo yaqaanno Cabdalla Shideeye oo ku yaal gudaha Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo maanta lagu qabtay gudaha suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay mamnuucidaasi, iyadoo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ay uga digeen Dadka ku shaqaysta Been abuurka Cabdalla Shideeye inay sii wadaan howlahooda qaldan, iyagoo ku gooddiyay in sharciga lala tiigsan doono ciddii lagu arko iyadoo ku howlan shaqada been abuurka ah ee Cabdalla Shideeye.

Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Axmed ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanku ay il gaar ah ku hayn doonaan Dadka ku howlan been abuurka Cabdala Shideeye, islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto arrintaasi.

Warkaasi ayaa lagu sheegay Munaasabad lagu soo bandhigayay natiijada howlgal ay maanta Ciidamada Amnigu ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha, kaasoo lagu soo qabtay Afar qofood oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab.