Eedeyn loo soo jeediyay Ciidamada AMISOM

0

Wararka laga helayo deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo Maleeshiyo Beeleed isla socda ay gubeen Matoor Ceel Biyood oo ku yaallay nawaaxiga deegaankaasi.

Mid ka mid ah waxgaradka ku nool Tuulada Saliini ee hoostagta deegaanka Lambar 50 oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Matoorka la Gubay oo uu isticmaali jiray Ceel Biyood dadka Tuuladaas degan ka cabi jireen ay saacadihii la soo dhaafay dab qabad siiyeen Ciidamada AMIASOM iyo Maleeshiyo Beeleed wada socda sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu intaas ku daray in saameyn weyn ay dadka degen Tuuladaasi ku yeelatay tallaabadaas lagu gubay Ceel Biyoodkaasi.

Ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM ay ka soo saareen Ceel Biyoodkaas la sheegay in Ciidamadooda iyo Maleeshiyo Beeleedka ay isla gubeen.

Ciidamada AMISOM ayaa inta badan lagu eedeeyaa in tacadiyo ka baxsan beni’aadanimada ay ka geystaan gudaha dalka qeybo ka mid ah sida Gobolka Shabeelaha Hoose oo tiro dhowr jeer ah ay falal ka baxsan beni’aadanimada ka geysteen.