Faah-faahin Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag

0

Wararka ka imaanaya Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Maleeshiyo Beeleed uu ka soconayo Duleedka Degmadaasi.

Dagaalka ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyada Dagaalamay.

Illaa Saddex Qof ayaa Dagaalka ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen illaa 10 kale oo u badan Maleeshiyaadka Dagaalamay.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqay in ay soo fara galiyaan Maleeshiyada halkaa ku dagaalamaya si loo joojiyo Dirirta.