Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal Xoogan oo Xalay ka dhacay gobolka Baay

0

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka Xooga dalka Somaliya oo iska kaashanaya ayaa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Deegaanka Iidaale oo Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin Saldhigyo ciidan, iyaga oo guud ahaana gacanta ku haayo Deegaankaasi.

Weerarkaan oo dhacay shalay gelinkii dambe, ayaa Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay sheegeen inay Khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ee ay ku weerareen Deegaanka Iidaale.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case ayaa u sheegay Idaacada VOA in dagaalkaasi ay ku dileen 7 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Waxa uu sheegay dagaalyahanada Shabaabka inaysan fileyn in dagaal ay ku geli doonaan Deegaanka Iidaale oo Maamul ahaan Shabaabka ay gacanta ku hayaan, isaga oo intaasi ku daray dhanka ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed inuusan jirin Khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi.

Qaabka ciidamada ay ugu suuragashay qaadista weerarkaan qorsheysan ayuu Taliye ku xigeenka ku sheegay in ciidamada ay si aad ah u kala garanayaan Deegaanka Iidaale, waxaana iskaashi ay kala sameeyeen ciidamada Dadka shacabka ah oo uu sheegay inay naceen Ururka Al Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku goodiyay inay sii wadi doonaan howlgalada qorsheysan ee Ururka Al Shabaab looga saarayo deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Al Shabaab dhankooda wax war ah kama soo bixin oo ku aadan Khasaaraha ka dhashay dagaalka qorsheysan ee ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay shalay gelinkii dambe ku qaadeen deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Baay.