FAAHFAAHIN:- Isbaheysiga Xisbiyada Mucaaridka oo soo saaray War aan u fiicneyn Xasan Sheekh iyo Guddiga doorshada dadban

0

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Madaxda Isbaheysiga Axsaabta Mucaaridka  ah ayey ku sheegeen in aysan ku kalsooneyn Guddiga doorshada dadban ee Soomaaliya.

Isbaheysiga ayaa ku baaqay in la sameey Xukuumad ka shaqeysa doorashooyinka kadib markii si ay sheegeen aysan la dhicin qabaka ay wax u wadaan Guddiga doorashada dadban ee dalka.

Waxaa ay sheegeen in Guddiga doorashada aysan u sinneyn Musharraxiinta islamarkaana ay u xaglinayaan dhanka Dowladda Federaalka ah ee hadda jirta.

Guddiga doorashada ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in doorashada Soomaaliya ay dib u dhacday bil kale kadib markii waqtigii hore lagu fulin waayay jaantuskii lagu qorsheeyay.

Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee ka hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ah:Max’uud Axmed Nuur Tarsan,Axmed Macallin Fiqi,C/raxmaan C/Shakuur iyo Salaad Cali Jeelle.

Dad badan ayaa shaki geliyay doorashada dhowrka jeer dib u dhacday,waxaana ka mid ah Xisbiyada Mucaaridka ah oo ku doodaya in Dowladda Madaxweyne Xasan aysan daacad ka ahayn doorashada Soomaaliya ee Sanadkan.